Dowladda Suudaan ayaa maamulka Addis Ababa ku eedaysay inay fududaysay weerarro loo adeegsaday diyaarado Drones ah, oo laga soo qaaday gudaha Itoobia, kuwaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca boqolaal qof oo rayid iyo askar isugu jira.
Warbixin uu soo saaray Golaha Ku-meelgaarka ah ee Suudaan, ee millatarigu uu hoggaamiyo, ayaa sheegtay in siddeedii bilood ee u dambeeyey la diiwaangeliyey 70 weerar oo loo adeegsaday 187 diyaaradood oo Drones-ka is-qarxiya ah.
Weeraradan ayaa la sheegay inay sababeen dhimashada iyo dhaawaca ugu yaraan 484 qof oo rayid ah, iyo sidoo kale dhimashada 176 askari oo ka tirsan ciidamada Suudaan iyo weliba ugu yaraan dhaawaca 200 oo askari oo kale.
Suudaan waxay sheegtay in weerarrada laga soo qaaday goobo kala duwan oo ku yaalla Itoobiya, kuwaas oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha Asosa oo ku dhow xuduud-beenaadka labada dal iyo sidoo kale saldhigga cirka ee Bahardaar.
Sanadkan 2026, gaar ahaan bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar oo keliya waxaa la diiwaangeliyey 28 weerar oo sida ay warbixintu sheegtay loo adeegsaday 97 diyaaradood oo kuwa is-qarxiya ah.
Dowladda Xabashida Itoobiya oo taageerta maleeshiyaadka ka dagaallama Suudaan ee RSF, ayaa beenisay eedaymahan, waxayna iyada lafteedu ay Suudaan ku eedaysay inay taageero u fidiso kooxo hubaysan oo xiriir la leh Jabhadda Tigreega ee TPLF.
